Qorqor Oo Lagu Eedeeyay Boob Doorasho

Somalia news

Waxaa Maanta laga qabtay Magaalada Dhuusa mareeb Doorasho boob iyo awood la isku adeegsaday, iyadoo lagu Eedeeyay Qorqor iyo Farmaajo iney ka dambeeyaan Boobkaasi, Kursiga #HOP104, kaasoo ku caan baxay wareejinta isku soo maray 3-degaan Doorasho..

Doorashada ayaa maanta gelintii Hore ka dhacday xerada INJ, iyadoo lagu waday iney ku tartamaan tiro Musharixiin ah, Waxaa la sheegay in loo boobay Mahad Cabdalla Cawad, kaasoo helay 83-cod Oo Askar u badan ergada codeyneysa halka Malxiiska Shurki Cali Faarax aan wax cod ah helin waxaa halaabay 17-cod.

https://fb.watch/9tQHUmGxwj/

Mahad Cabdalla ayaa kursigaan ku fadhiyay 20-sano, kursigaan ayaa noqday mid loo xiray, warar ayaa sheegaya in Musharixiin la tartami laheyd lagu xiray Hoteeladii ay degenaayeen, waxaana lagu wareejiyay Ciidamo hubeysan kuwaasoo u diiday Musharixiinta iney ka soo baxaan Hoteelka, iyadoo uu amarkaasi bixiyay Qorqor.

152520cookie-checkQorqor Oo Lagu Eedeeyay Boob Doorasho