Dagaal Beeleed Dib Uga Qarxay Gudaha & Duleedka Degmada Luuq..

Security Somalia news

Faahfaahino hordhac ah ayaa laga helayaa Dagaalo u dhaxeeya Beelaha Mareexaan Iyo kuwa Raxaweyn ayaa dib uga qarxay gudaha iyo duleedka magaalada Luuq kuwaasoo isku adeegsanaaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo Dadka Rayidka ay bilaabeen iney ka qaxaan magaalada..

Dagaalkaan oo salka ku haya muran dhuleed ee labada beelood muddo soo jiitamaayay kaasoo heshiisyo la kala dhex dhigay uu socon waayay, Mas’uuliyiinta Degmada Luuq oo aan xiriir la sameenay si aan faah faahin dheeraad ah uga ogaano dagaalka ayaan inoo suurta galin balse waxaa jira khasaare dhimaasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray labada maleeshiya beleed ee gudaha Degmada ku dagaalamaya.

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa todobaadyo ka hor sheegay inuu miiska wada hadalka iskugu keenay beelaha walaalaha ah ee dirirtu u dhaxeeyso si loo gaaro heshiis waara oo aan dib dambe aan dagaalka loogu laaban, Jubbaland ayaan wali wax war ah kasoo saarin dagaalka saakay dib uga qarxay Degmada Luuq horeyna waxa ay u sheegtay in beelaha laheshiisiiyay cidii ku xad gudubta ay la xisaabtami doonaan.

362050cookie-checkDagaal Beeleed Dib Uga Qarxay Gudaha & Duleedka Degmada Luuq..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *