Dhaqaalaha Baada ay ku Qaadaan Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia oo Daaha laga Feyday

Somalia news

Degaano badan oo Dalka & Dadka Somalia ka mid ah waxaa muddo afduub ku heystay kooxaha argagixisada sida (Shababka & Daacishta), inkastoo kooxda Daacishta (ISIS) tiro ahaan ay yar yihiin haddana kuwo helis ah sida lagu xusay Warbixi ah soo saareen Qaramada Midoobay, waxeyna kooxdani marti gelisaa Xafiiska Al-Karrar oo dhaqaalaha u qaabilsan Daacishta…

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kooxdani ay ka kooban tahay 200-300 Oo maleeshiyo, balse ma lahan awood ay ku fuliyaan weeraro casri ah, inta badan waxey dhaqaalaha baada ah ka uruuriyaan Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Ceerigaabo, gaar ahaan Ganacsatada, Mulkiilayaasha Doomaha xamuulka iyo kuwa Kaluumeysiga, waxaana dakhligooda lagu qiyaasaa 100-Kun US$.

Xafiiska Al-Karrar ayaa bil kasta u dira garabkooda Afghanistan (ISIS Khorasan), waxaana si toos ah u maamula Horjooje Cabdulqaadir Muumin oo dul jiif ah (Buka) iyo Horjoogihii la dilay Bilal Al-Sudani, iyadoo Makeeshiyaadka kooxdani ay xubno ka yihiin Dad kasoo jeeda Dalalka Somalia, DRC (Congo) & Mozambique, fariisimada kooxdani ayaa ku yaal degaanada buuraleyda ah ee Puntland.

242510cookie-checkDhaqaalaha Baada ay ku Qaadaan Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia oo Daaha laga Feyday