UAE Oo Joojiyeen Viisaha La Siiyo Shacbiga Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Go’aan ay gaareen Dowladda Emirate-ka Carabta, kaasoo 12 dal oo Somaliya ay ka mid tahay ka joojisay VISAHA dal-ku-galka, sababo ku aadan heerka dalalkaasi ee xanuunka COVID-19….

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Emirate-ka ayaa lagu sheegay in dalalkaasi lagu daray liiska dalalka ay xaaladdooda cudurka COVID-19 ay sareyso, sidaasi daraadeedna aan muwaadiniinta dalalkaasi la siin doonin dal-ku-galka dalkaasi, Wadamada xanibaaddan lagu soo rogay waxaa ka mid ah Somalia, Yemen, Syria, Iraq, Turkey, Iran, Afghanistan, Pakistan, Libya iyo Kenya.

Talaabadaan ayaa sidoo kale saamayn ku yeelan doonto Ganacsatada, Ardayda, Dadka Caafimaadka u taga, Dalxiise-yaasha iyo weliba dadka kale ee u dhashay dalalkaasi, ee Transit-ka ku ah garoomada dalkaasi, Madaxa Maareynta COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, Dr. Cabdulqaadir Yuusuf Aadan (Jalaaludiin) ayaa sheegay inaanu garanayn sababta ay Xukuumadda Abu Dhabi ugu dartay Somaliya dalalka ay ka joojisay dal-ku-galka.

73580cookie-checkUAE Oo Joojiyeen Viisaha La Siiyo Shacbiga Somalia