Share the post "Maleeshiyaad Ka Tirsan Argagixisada Shababka Oo Weeraray Degmada Balcad…"
Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Saakay hiirtii hore ay Maleeshiyaad aad u hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Degmada, iyadoo Weerarkaan ahaa mid kadis ah isla markaasna cabsi weyn ku abuuray Dadka Rayida…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Weerarkaan uu ku bilaawday Qaraxyo iyo Rasaas xoogan gudaha magaalada iyo Daafaheeda, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah Dadka Rayidka iyo dhinacyada dagaalamaya soo kala gaaray, Duulaankaan kooxda ayaa noqonaaya mid ay ku doonayaan iney ku qabaadaan Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe..
Xuuraanada ayaa xaqiijinaaya in Ciidamada Dowlada oo taageero ka helaya Ciidamada Midowga Afrika ee Burundi, ayaa dagaal adag la galay, waxaana ay ka saareen maleeshiyaadkii kooxda Shabaabka oo saaka aroortii gudaha u galay degmada Balcad. Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegay iney ka dhasheen inkastoo aan la xaqiijin karin tirada dhabta ah.

Kooxda Argagixisada Shababka ayaa todobaadkaan iyo todobaadkii ka horeeyay waxey weeraro is xig xiga ku qaadeen Degaano ka tirsan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia oo Guulo ka gaaray Weerarkii 2022-2023, inkastoo degaanada qaarkood ay ka baxeen.
