Ma Dhabaa In Ciidamadii Asmara Lagu Soo Tababaray Ay Soo Gaareen Muqdisho

Somalia news

Ilo wareedyo Lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo mihiim ah ayaa sheegaya in Xalay fiidkii ay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay ka soo dejisay Diyaarad Ciidan oo Qadar ay leedahay Ciidamadii Lagu soo tababaray duleedka magaalada Asmara…

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Kolonyo Gaadiidka Ciidamada qaada oo ay ka buuxeen tiro lagu qiyaasay ilaa 400-Ciidan qalabkooda u dhan yahay, ayna ilaalinaayeen Gaadiidka dagaalka iyo qeybo ka tirsan Ururka Boliiska Dableyda Madaxtooyada, waxaana la sheegay in Ciidamada la geeyay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, Ciidamadaan ayaa u badan Beesha Madaxweynaha iyo Madaxa Boliiska.

Ciidamadaan oo tirada guud lagu qiyaasay ilaa 1500 askari, ayaa loogu tala galay lagu caburiyo laguna cabsi geliyo Shacbiga magaalada Muqdisho, oo markii hore qaati ka taagnaa Isbaarooyinka lagu googooyay magaalada iyo baada joogtada ee Ciidamadaasi ka qaadaan marista wadooyinka magaalada.

38730cookie-checkMa Dhabaa In Ciidamadii Asmara Lagu Soo Tababaray Ay Soo Gaareen Muqdisho