Fahad Walaashiis Oo Xil Loo Magacaabay

Somalia news

Kadib Khilaafkii iyo Murankii ka dhashay 6-da xubnood Ee laga eryay Wasaarada Macdanta iyo Hey’adda Batroolka Qaranka, ayaa waxaa la sheegay in milkiilaha (Adeege Fahad) Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu Walaashii u Magacaabay Maareeyaha Hey’adda Shidaalka Qaranka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Fahad uu RW Rooble amar ku siiyay in uu si degdeg ah xilka uga qaado Mas’uuliyiinta hoos ku xusan,

Xoghayihii joogtada Wasaaradda batroolka, Jamaal Qaasim Mursal.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Batroolka, , Karar Shukri Doomey
Madaxa nidaaminta wasaaradda, Dr. Cabdullaahi Xayday
Madaxa farsamadda Wasaaradda, Cabdiqaadir
-Madaxa Waaxda sharciyadda Wasaaradda, Abukaate
-Agaasimaha hay’adda batroolka, Ibraahim Cali Xuseen.

waxaana la sheegay in Hay’adda gacanta loo geliyo Fahad Yasin Walaashiis Xaliimo Sacdiyo Saleebaan Xaaji Daahir oo ah haweeney ilmo adeer la ah Fahad Yasin Xaaji Dahir, balse isticmaasha magaca ay ku soo tagtay dalka Mareykanka ee Caasha Cismaan Axmed.

Mrs.Caasha ayaa La-taliye ka aheyd Xafiiska Wasiirka Macdanta, waxeyna talaabadaan soo shaac baxday kadib markii Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu ku hungoobay inuu Heshiis la saxiixdo Shirkad laga leeyahay Gobolka Arizona ee Dalka Mareykanka, heshiiskaasi Ayaa Maamulka ku qaadan lahaa Dhaqaale kor u dhaafaya 120-Millions US$, oo loogu tala galay in lagu boobo Doorashada dadban ee Somalia.

89510cookie-checkFahad Walaashiis Oo Xil Loo Magacaabay