Share the post "Golaha Amaanka Oo Dib u Cusbooneysiiyay Qaraadada Dhanka ka ah Kooxaha Argagixisada.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay yeesheen Golaha Amaanka ee QM, kaasoo lagu gorfeeyay Xaaladaha Amni ee Somalia, waxeyna isku raaceen iney dib u cusboonaysiinaya tallaabooyinka lagu xakameynayo badeecooyinka sharci-darrada ah ee la xiriira cunaqabateynta hubka ee saaran Kooxaha argagixisada ee ka howlgala Somalia…
Cusbooneysiinta Go’aankaan waxey ujeedadiisu ka dhigan tahay in la joojiyo tahriibinta sharci-darrada ah ee hubka iyo qalabka ciidan ee loo gudbiyo Argagixisada Shabaabka, iyadoo laga hortagaayo dhoofinta dhuxusha sharci-darrada ah, taasoo ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn ee kooxda argagixisada ah, Iyadoo la raacayo Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood wuxuu mar kale xaqiijiyay in falalka kooxda Shabaabk oo ay ka mid yihiin weerarrada argagixisada iyo dadaallada xasilooni-darrada—ay halis weyn ku yihiin nabada iyo amniga Caalamka.
Xeerkan wuxuu dib u cusboonaysiiyay oo xoojiyay go’aanadii horey loogu dejiyay Xeerka 2182 (2014), kuwaasoo markii dambe la sii adkeeyay Xeerarka 2607 (2021) iyo 2762 (2024). Tallaabooyinkan cusub waxay sii jiri doonaan ilaa 3-da Maarso 2025.
Xoojinta Kormeerka Xeebaha
Xeerka cusub wuxuu Dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay awood u siinayaa inay baaraan maraakiibta ku sugan biyaha Somalia, Badda Carabta, iyo Gacanka Faaris, haddii ay jirto sabab macquul ah oo lagu tuhmi karo in maraakiibtaasi wadaan hub, qalab ciidan, ama agab loo adeegsan karo qaraxyada macmalka ah (IED) oo loo waday kooxaha Argagixisada iyo Burcad badeedka.