Maxay Tahay Sababta Degmada Ceelbuur ay Muhiim ugu tahay Dowladda iyo Shabaabka..

Somalia news

Iyadoo ku dhowaad Todobaad uu Madaxweynaha Somalia ku sugan yahay Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud, isla markaasna ka wado abaabul Diyaar garow dagaal laguna uruuriyay 15-kun oo isugu jira Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Xoogaga Beelaha soo diyaariyeen…

Gulufkaan ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka looga sifeyn lahaan Magaalooyin iyo deegaanno badan oo ay muddo dheer gacanta ku hayeen oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, si loo xaqiijiyo in si buuxda dowladda uga taliso dhulka ballaaran ee ku yaalla dacallada bari iyo Konfur ka xiga Webiga Shabeele.

Maxay Dowladdu muhiim ugu aragtaa dagaalka Ceelbuur.?

Degmada Ceel bur oo laga soo bilaabo 2017-kii ay Maamulka Degmada gacanta ku hayeen Maleeshiyaadka kooxda Shababka, iyadoo isu socodka Maleshiyaadka iyo Gadiidka kooxdani ay xudun ugu tahay isku xirka Gobolada Konfurta iyo kuwa Bartamaha, waxeyna Maleeshiyaadka Kooxda awoodaan iney weeraro ku qaadaan Gobolada Sh/dhexe, Hiiraan, Galgudud iyo Mudug.

Khubarada Amniga ayaa farta ku goday in Saraakiisha Dowladda ee Dejiya Dagaalka ay culeys saari doonaan seddex xagalka u dhexeeya, Dhusamareeb, Xarar-dheere, iyo Galcad oo ay Ceelbuur ku jirto, Sababtoo ah, waxaa la aamisanahay iney dhulkaasi oo u badan hawd ku jiraan Ilaa lix kun oo Maleeshiyaad aad u hubeysan oo kooxda argagixisada Shabaabka ka tirsan.

Haddii kooxda Shabaabka laga saaro dhulka ku-xeeran degaanada Ceelbuur, Galhareeri iyo kuwa kale ee hoos yimaada Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, waxay khuburadu aaminsan yihiin in laga sifeyn karo bartamaha Somalia, laakiin waxay su’aali ka taagantahay suurta-glnimada in dowladdu waqti kooban dagaalkaasi kusoo afmeeri karto.

271060cookie-checkMaxay Tahay Sababta Degmada Ceelbuur ay Muhiim ugu tahay Dowladda iyo Shabaabka..