Xukuumada Xasan Sheekh Maxaa ka Hortaagan iney Shaaciso Kiiska Ikraan Tahliil

Somalia news

Muddo dheeraad ayaa aad loo hadal hayay sidii cadaalad loogu heli lahaa Sarkaaladii NISA ee kiiska Maqnaanshaha iyo Cadaalad helida Ikraan Tahliil, iyadoo la ogaa iney nabad qabtay ka hor intii aan la weyn Raq & ruuxba, waxaana lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen Hogaankii NISA ee Maamulkii Farmaajo..

Kiiskaan ayaa wuxuu ku noqday Farmaajo & Fahad musbaarkii ugu dambeeyay ee lagu kawiyay Naxashkii looga saaray Viila Kooxdaani qowleysatada ah, iyagoo siyaaasad ahaan noqday Meyd, kadib markii ay ku hagoogteen iney runta ka sheegaan Kiiska Sarkaalada NISA.

Hadaba, Dad badan ayaa isweydiinaya waxa ku dhacay Kiiskaan iyo Sababta ay uga aamusan yihiin Xasan Sheekh & Mahad Salaad, xitaa Hooyada dhashay Gabadha Qaali Guhaad ayaa la yaaban aamusnaan dheer ee Maamulka cusub ee NISA iyo Villa Somalia, kuwaasoo xiligii doorashada ku galay kiiskaan kuna guuleysteen kadibna Aamuskii Farmaajo iyo Fahad bilaabay.

Xarunta NISA ayaa noqtay Bahalo-galeen oo raadkii galaba lagugu qasbaayo inaad ka samirto inaad Cadaalad hesho, iyadoo sida dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka, Sharciga iyo Dastuurka qabo in si hufnaani ku jirto lagu soo afjaro Kiiskaan daba dheeraaday, hadana la isku wada raacsan yahay inuu yahay ” Dan Qaran” oo ay tahay in Shacbiga oo dhan la wada qanciyo.

212620cookie-checkXukuumada Xasan Sheekh Maxaa ka Hortaagan iney Shaaciso Kiiska Ikraan Tahliil
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com