Share the post "Ma Dhabaa in Dhaqdhaqaaqyada Ciidan & Diyaaradeed ee UEA ee Garoonka Boosaaso ay Kordheen.."
Xuuraano loo qaateen ayaa daaha ka rogaaya in duulimaadyada Diyaaradaha Xamuulka Ciidamada iyo Tirada Kooxo Calooshood u shaqeysataal u shaqeeya UEA ay bilihii uga dambeeyay ay dhaqdhaqaaqooda ka kordheen isticmaalka garoomada diyaaradaha magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso..
Xogtasn ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay ee laga arkay sawirada ay qaadeen dayax-gacmeedyada ayaa muujinaaya dhismo cusub oo ka sameysan garoon diyaaradeed iyo hangaro diyaaradeed, oo ay weheliso kordhinta dhabaha ay diyaaraduhu ka kacaan qiyaastii 320, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ilaa 3.5 km.

Muuqaalada dayax-gacmeedka ee la qaaday dhawaan ayaa muujinaya wax u muuqda tiro diyaarad xamuul ah, oo loo badinayo C-130J-30 oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Isutagga Imaaraadka Carabta oo fadhiya garoonka Diyaaradaha Boosaaso, Garoonkaan iyo kan Berbera ayaa la xaqiijiyay iney fure u noqdeen xudunta wareejinta Hubka, Kooxo Calooshood u shaqeystayaal laga soo daabulay Dalalka South America (Colombia iyo Brazile) iyo Hub iyo Saad si joogto ah loogu raad tirto Labadaan Garoon waxaa laga dejiyaa Dalka Sudan oo UAE ay taageerto Kooxda RSF.
Maamulka Villa Somalia miyuu Wax ka og yahay Dhaqdhaqaaqaan Diyaaradaha UAE ee Garoomada Boosaaso iyo Berbera miyeey mustaqbalka dhib ku noqon karaan Maamuladaan Dowlad dhiska Dalka sida Kooxda RSF ee Sudan!?.
