Maxey ahaayeen Diyaaradaha Lagu Arkay Garoonka Doyaaradaha Garoowe

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa 2-Diyaaradood oo Parking garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe muddo yaalaan kuwaasoo baaritaano ay ku sameeyeen Maamulka Puntland soo gabagabeeyeen kadib markii ay ka shaki baxeen…

Xogta Doyaaradahaan ayaa tilmaamtay in laga leeyahay Dalka Pakistan, balse ay soo kireysteen Ganacsato Soomaaliyeed, hase yeeshee aan waxba lagu qaban muddo 4-biloodna ah ay yaaleen Garoonka Diyaaradaha magaalada Mogadishu haddana ay fasaxday Hey’adda Duulista Dowladda Federaalka.

Diyaaradahaan ayaa sumadoodu tahay 9U-GHO 6 bilood ayey Garoonka Mogadishu Parking ku jirta, Halka 9U-GHP 4bilood ay taalay, waxaana la sheegay in qaab kiro ay la la sugaayay iney kula warwegaan Ganacaato Soomaaliyeed balse marnaba ma dhicin.

Ka hor Somalia Diyaaradahaan waxey yaaleen dalka Burundi oo sumadoodu ay wataan, waxaana la sheegay in laga keenay Dalka Turkiga, iyadoo hataan la filaayo in Dalka Pakistan loo wareejiyo.

230560cookie-checkMaxey ahaayeen Diyaaradaha Lagu Arkay Garoonka Doyaaradaha Garoowe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com