Goobo Ganacsi Oo Caasimada Ku Yaal Oo La Qarxiyay & Khasaare ka dhashay..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Miino oo lagu weeraray Saakay Xarumo Ganacsi oo kuyaala Wadada 30-ka gaar ahaan agagaarka labo dhagax, iyadoo ay falkaasi ka dambeeyaan kooxda Shabaabka oo miinooyin ku qarxiyeen, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro maaliyadeed oo soo gaaray Goobaha…

Ilo Amaan ayaa xaqiijiyay in Dabley ka tirsan kooxda Argagixisada ayaa qaraxyo miino ay baco ku wadeen gudaha u galiyay goobaha ay qarxiyeen, waxayna wararka qaar sheegayaan in digniino iyo hanjabaado loo jeediyay Ganacsatada meheradaha ku leh Wadadaasi, ineysan ku xirin CCTV, fulina karin amarka Dowlada.

Qarax kale oo qarax miino ayaa sidoo kale saakay ka dhacay suuqa Bakaaraha , qaraxaan ayaa lagu weeraray goob gaacsi oo kaamiro lagu xiray, waxaana wararku sheegayaan in qaraxaasi labo Haween ah ay ku dhaawacmeen, Todobaadyadaan dambe waxaa aad u soo kordhaaya Hanjabaadka iyo Qaraxyada loo geysanaayo Goobaha Ganacsiga kuwaasoo ku jira (laba dhagax dhexdood) xaalad amaan oo culus qaar badana ay Dalka ka qaxeen meheradihiina iska xiray.

290800cookie-checkGoobo Ganacsi Oo Caasimada Ku Yaal Oo La Qarxiyay & Khasaare ka dhashay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com