Dilka Darawal Mooto Bajaaj & Gubista Gaari Boliis ah Oo ka Dhacay Mogadishu…

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil bareer ah oo uu geystay Askari ka tirsan Qeybta Ilaalada Wadooyinka Boliiska kaasoo dilay Dawaral Mooto bajaaj waday, falkaan ayaa k dhacay isgoyska 4-Jardiino ee Degmada Boondheere shalay..

Wararka ayaa sheegaya in Dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigedn Dad ka xun Falka u geysteen Askariga Boliiska ah ayeey ku gudbeen Gaari Boliiska iska leeyahay, Afhayeenka Boliiska ayaa sheegay “Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in dil uu ka dhacay isgoyska Afarta Jardiin, kaasoo uu gaystay Eedeysane ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka, gaar ahaan Taraafiko, Eedeysanahaasi waxaa gacanta ku haya Ciidamada Baarista Boliiska Soomaaliyeed, waxaana ku socota baaris, si cadaaladda loo horgeeyo”.

Taliska Boliiska wuxuu ku raad-joogaa Eedeysanayaal kusoo dhex dhuuntay goobta uu dilka ka dhacay xilliga ay saxmadda socotay, kuwaasoo si bareer ah u burburiyay gaari uu lahaa Boliiska oo ah hanti Dadweyne, kuwasoo ay si bareer ah u burburiyeen, kadibna ay dab qabad-siiyeen” ayuu markale yiri, Dhacdooyinkaan dilalka xambaarsan ayaa marar badan soo noq-noqday, waxaana marar badan Wadayaasha Bajaajleyda oo u badan dhalinyaro siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

364190cookie-checkDilka Darawal Mooto Bajaaj & Gubista Gaari Boliis ah Oo ka Dhacay Mogadishu…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *