Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo kulansaday Dhacdooyin la yaab leh oo ay ku Sagootinaayaan Muddo Xileekooda.

Somalia news

In muddo ah waxaa taagan muran iyo khilaaf xargo goostay una dhaxeeya Maamulka Deni & Gudoonka Baarlamaanka, iyadoo tan iyo markii la shaaciyey Liiskooda u horeeyey 31 Dec, 2018 ilaa December 2023, Inta badan Xildhibaanada waxey kuraasta joogeen oo ay nasiib iyo dhaqaalo uga macaasheen, iyadoo taariikhda ay uga tagayaan dhacdooyin la yaab leh…

Xildhibaanada ayaa ku caan baxay in Golahoodu uu maamulay Mooshinadii ugu badnaa (November 2019 ilaa saaka Dec 2023), iyagoo awoodoodii u gacan galiyey Shuraakooyinka is dul saaran sida kooxda Aaran jaan iyo Madaxtooyada, iyagoo is og, Xildhibaanada Barlamaanka ayaa ku guuldareystay inuu la xisaabtamo Maamulka Deni mududii 5-ta sano aheyd.

Barlamaan aan maalin la hor keenin wixii heshiis ay gashey Maamulka Puntland oo qaarkood khatar ku ah xataa jiritaanka Puntland iyo Somalia iyo Xildhibaanada ayaa lagu tiriyaa iney noqdeen Golihii ugu dhalinyarada badnaa, ku darsoo kii ugu waxtarka yaraa, talaabooyinkaan ayaa rajo beel kuriday Shacabkii degaanka, bilowgii raadiyey in Dhalinyaradu awood hesho, laakiin hadda dib u dagay oo dareemay halista in Dhalinyarada lagu dadajiyo kuraasta masiiriga ah (Sacabka iyo Qosolka ku larayay doonista Madaxtooyada).

Golihii ugu dhaqaale raadinta badnaa ayuu ku sun tahay (Jan 2019 ilaa Dec 2023, Celceliska Laaluushka Xildhibaan kasta qaatay 5-taasi sano waa in ka badan 100-kun oo US$ oo aysan ku jirin Mushahaarad iyo xaquuqaha Gunooyinka fadhiyada).

Golaha ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay in Go’aano ka soo saaraan Dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe iyo Shacbigii Guryahooda ka qaxay, waxeyna Xildhibaanadu waqtigoodii dhamaaday Mudo kororsi, raadiyey Guddoonkiisana ka fakarayo Kursi xildhibaan siduu ku heli lahaa, ayay ku sagootiyeen bulshada Puntland.

Maanta maxaa la gudboon inay Odayaasha Dhaqanka iyo Shacbiga Puntland ineysan ka xishoon Xildhibaanadaan oo reerahoodii dib loogu celiyo, isla markaasna la soo xulo xubno ka saari kara dhibaatada maamul xumo oo muddo 25-sano ka taagan Maamulka Puntland maadaama ay ka gudbin waayeen kuwa sii baxaya dhibaatooyinka taagan.

293090cookie-checkXildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo kulansaday Dhacdooyin la yaab leh oo ay ku Sagootinaayaan Muddo Xileekooda.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com