Nin Mindi Ku Weeraray Imam Masaajid Dalka Mareykanka

Somalia news

Afhayeen u hadlay Ururka Muslimiinta magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in Nin maskaxda ka xanuunsan uu masjid magaalada ku yaalla ku mindiyeeyey Imaam ku sugnaa.

Jaylani Hussein, oo ah Agaasimaha Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka (CAIR) ee Minnesota, ayaa sheegay in Imaam Cawil Aadan ay dhaawacyo kasoo gaareen Madaxa iyo Gacanta, uuna geeriyoon lahaa haddii aanu caawin qof kale oo ku sugnaa Masjidka Khalid Binu Walid ee ku yaalla waddada West Lake Street.

Jaylani Hussein ayaa intaas ku daray in Imaamka uu hadda ku sugan yahay gurigiisa oo uu kusoo kabanayo, Waxa uu intaas raaciyay in Eedeysanaha weerarka gaystay uu halis ku yahay naftiisa iyo tan bulshada Soomaaliyeed.

199910cookie-checkNin Mindi Ku Weeraray Imam Masaajid Dalka Mareykanka