Villa Somalia Oo Dhaqaale Ku Bixineysa Burburinta Puntland

Politics

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in todobaadkii la soo dhaafay ay Mr.Farmaajo, uu ku amray Qeybaha Maaaliyada Dowlada iney u xawileen Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Mudane Axmad Garaash Dhaqaale dhan US$ 800,000, inkastoo US$ 30,000 ka mida ay la hareen kooxdii dalaaliinta ka ahaa xaliwilaada Lacagtaasi….

Xogtaan ayaa u tilmaamtay Diinah.com in Dhaaalahaan la sii mariyay ganacsato reer Puntland ah, iyadoo lacagta qaybo ka mid ahi laga soo diray dalka Kenya iyo degaanada Somaliland. Waxaana loo soo diray sidii lacag ganacsi loogu maareeynayo oo kale.  Dhanka kale maalintii arbadaca todobaadkaan ayaa waxaa sidoo kale la soo diray US$ 250,000 taasoo Boosaaso soo martay. Nooma suugaralin soo in aan helno magacyada dadka lagu soo hagaajiyay lacagta, laakiin dhawaan ayaan filaynaa in aad helno qaabka lacagta loo gaarsiyayay Axmad Garaash iyo magacyada dadkii ka shaqeeyay.

Waxaa marqaati Ma doonto ah in Villa Somalia ay in muddo ah qorsheyneysay in degaanada Dowlad Goboleedka Puntland laga abuuro  qalqal siyaasadeed  kaasoo la doonayo in laga dhaliyo dagaal sokeeye oo la isaga horkeenayo Beelahah ree Puntland. Qalalaasahaan ayaana la doonaayo in uu ku beegmo xiliga laga hadlayo arimaha doorashada iyo in Puntland lagu aamini  karo in ay doorasho qabto.

36430cookie-checkVilla Somalia Oo Dhaqaale Ku Bixineysa Burburinta Puntland