Ku Biirista Somalia ee Dalada EAC, Caqabadaha iyo Fa’aadooyinka ku Gedaaman…

Africa News Somalia news

Dalka Somalia oo Jimcihii tagtay si rasmi ah ugu biirtay Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo ay horey uga mid aheyd tiro Ururo ah, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkaan, Dad badan ayaa aaminsan in Somalia ay wax la qeybsaneyso 300-Millions oo 7-si Dalka albaabadana u fureyso, taasoo welwel badan ay Shacbiga ka qabaan…

Kadib guushaan, waxaa Madaxweynaha horyaala Xaqiijinta fursadaha iyo Sharciyada Ururkaan, oo ay si rasmi ah ugu dhaqan-galay arrintaan, Inkasta oo shuruudaha qaar ka soo bixidooda ay Somalia ku qaadan karto dhowr sano, haddana waxaa Villa Somalia looga fadhiya iney bilaabaan dhismaha Wasaarad cusub oo ka mid noqoneysa Laanta Fulinta.

Iyadoo Dal kasta oo xubin ka ah ururkaan waa in uu leeyahay Wasiir qaabilsan Bariga Afrika, sidaas darteed waa in Somalia dhistaa Wasaarad qaabilsan Bariga Afrika.
Sidoo kale, Somalia waa inay dhistaa Guddiyo qaabilsan ka shaqeynta Sharciyadda loo baahan yahay iyo dhameystira qoddobo la xiriira xubinimada shaqeysa.

Ku darsoo, Shuruucda Dalka wax badan ayaa iska beddeli doona kuw la xiriira sharciyada la wadaagno Dalalka Bariga Afrika, Si kastaba, ku biirista Somalia ee EAC ayaa waxaa laga faa’iidi doona arrimo ay kamid yihiin; fursad ganacsi, isku socodka iyo weliba iskaashiga amaanka, difaaca, tiknoolajiyadda iyo sharciga, kadib marka ay si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika.

289810cookie-checkKu Biirista Somalia ee Dalada EAC, Caqabadaha iyo Fa’aadooyinka ku Gedaaman…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com