Share the post "Muxuu yahay Barnaamijka Is-tarxiil ee Trump Kusoo Rogay Tahriibayaasha.."
Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka ayaa soo saartay barnaamij cusub oo la yiraahdo CBP Home. Ujeedka Barnaamijkaan waa in dadka sida sharci-darrada ah ugu nool Maraykanka ay si iskood ah u muujiyaan rabitaankooda inay dalka isaga baxaan, taasoo ah hab fudud oo ay iskood isku masaafurin karaan (self-deportation)…
Waa maxay CBP Home?
CBP Home waa barnaamij cusub oo qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Donald Trump ee lagu xakameynayo socdaalka sharci-darrada ah. Waxaa loo qorsheeyay inuu noqdo hab fudud oo dadka aanan sharciga haysan ay iskood isaga baxaan, si looga fogaado in si khasab ah loo tarxiilo.
Sida ay sheegtay Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem, barnaamijkani wuxuu siinayaa dadka aan sharciga haysan fursad ay si iskood ah ku baxaan, taas oo ka dhigan fursad mustaqbalka ay si sharci ah dib ugu soo noqon karaan Maraykanka. Laakiin haddii aysan sidaa yeelin, dowladda ayaa soo heli doonta, tarxiilina doonta, weligoodna looma oggolaan doono inay Maraykanka kusoo laabtaan.
Sidee loo adeegsan barnaamijka CBP Home?
CBP Home waa barnaamij la soo dagsan karo, laguna isticmaali karo taleefoonnada casriga ah.Qofka doonaya inuu si iskiis ah iskaga baxo Maraykanka waa inuu barnaamijka ka dhex doorto xulashada “Submit Intent to Depart” (Soo gudbi go’aankaaga in lagu masafauriyo), Markaas kadib, waa inuu raaco tallaabooyinka looga baahan yahay si uu si rasmi ah u isku tarxiilo.
Yaa adeegsan kara Barnaamijkan?
Barnaamijkan waxaa isticmaali kara dhammaan dadka ku sugan Maraykanka ee aan haysan sharci rasmi ah, Tusaale ahaan, Ardayad ka tirsan Jaamacadda Columbia oo lagu magacaabo Rajani Srinivasan ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee adeegsada CBP Home kadib markii la laalay fiisahaheeda, kaddib eedeymo loo jeediyay oo la xiriiray inay “xoojineysay dibadbaxyada dhanka ah xasuuqa ay wadaan Ciidamada Israel”.
Muran iyo Dood ka Taagan CBP Home
Tan iyo markii la bilaabay, barnaamijka CBP Home waxaa harreeyay doodo iyo muran, Maamulka Trump ayaa dib u habeeyay barnaamijka CBP One, kaasoo markii hore ay xukuumaddii Joe Biden u isticmaali jirtay sidii ay hab qaxootigu uga codsan jireen magangelyo Maraykanka.
Laga soo bilaabo Jannaayo 2023, in ka badan 900,000 oo qof ayaa loo oggolaaday inay ku soo galaan Maraykanka iyagoo haysta ogolaansho kumeel gaar ah (immigration parole) oo soconaya laba sano, iyagoo adeegsanaya CBP One.
Waa Imisa Soomaalida Barnaamijkan ka Faa’iideysan Karta?
Imaanshaha xukunka ee Trump ayaa hoy u diiday malaayiin muhaajiriin ah oo u qorsheeyay in uu ka masaafuriyo Maraykanka. Dadkaas waxay Soomaalidu ka tahay tiro dhan 4,090 qof, Kumanaankan qof ee Soomaalida ah ayaa si sharci darro ah ku galay Maraykanka si ay uga helaan halkaas nolol ka wanaagsan tan Somalia ayaa qaarkood dib loo soo celiyay, inkastoo aan tiro koob rasmi ah laga haynin.
Hase ahaatee, barnaamijkan is-tarxiil wuxuu Soomaali badan oo ku sugan Mareykanka siinaya fursad ay qaab sharaf leh uga doo bixi karaan dalka Mareykanka.