Dalalka ugu Maalgashiga iyo Dhiiri Gelinta Wanaagsan ee Ganacsiga Dunida..

Business World

Qiimaynta Dalalka ugu wanaagsan adduunka ee Maalgashiga iyo Ganacsiga laga sameeyo oo ay diyaarisay xarunta falanqaynta ee Economist Intelligence Unit (EIU, Liiska caalamiga ah ee EIU waxaa ka mid ah Wadamada bixiyay shuruudaha ugu wanaagsan ee maalgashadayaasha waaweyn iyagoo go’aansaday iney caasimadahooda u raraan magaalooyin kale…

Dalalka Maalgashiga lagu sameynaayo waa inuusan lugaha kula jirin Xasilooni dareo siyaasadeed, Masmul xumo, Musuq iyo isbedel Maamulka (Afgambi), Talaabooyinkaan waxey ka hortagayaan inaan lagu dhiiran in Dalka maal gelin uu helo, iyadoo Liiska Wadamada ku fiican waxaa ugu horeeya:-

Singapore:- Dalka yar ee Konfur-bari Aasiya ku yaala, oo ay ku nool yihiin in ka yar lix Millions, ayaa sii wada in uu noqdo Dal soo jiita maalgashi badab oo weyn sababo ay ka mid yihiin heerka sare ee furfurnaanta ganacsiga, cusboonaysiinta tignoolajiyadda, xasilloonida siyaasadeed iyo heerarka hoose ee musuqmaasuqa.

Dalku wuxuu si xoog leh kor ugu qaaday maalgashiga tooska ah ee shisheeye, dhimista cashuuraha iyo baabi’inta caqabadaha ganacsiga, gaar ahaan dhinacyada tignoolajiyadda, wax soo saarka iyo adeegyada maaliyadeed oo hufan, Marka laga soo tago dhiirigelinta ay u fidineyso shirkadaha laga hirgeliyay dalka, waxa ay maalgelisaa dhismaha dekedaha, garoomada diyaaradaha, waddooyinka iyo isku xirka gaadiidka dadweynaha si kor loogu qaado dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

Denmark, Jarmalka iyo Switzerland waxay noqon karaan Waddamada ugu jawiga wanaagsan ee soo jiidashada caasimadda sanadaha soo socda, iyadoo Dalalka Canada, China, Hong kong, New Zealand, Malasiya iyi Finland la tilmaamay iney yihiin 7-Dal ee la aamanay iney u degsan yihiin xeerar soo jiidan kara maalgashiga.

321250cookie-checkDalalka ugu Maalgashiga iyo Dhiiri Gelinta Wanaagsan ee Ganacsiga Dunida..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *