Qeylo dhaan laga soo saaray Xaalada Xoriyada Saxaafada Geeska Africa..

Africa News Somalia news

Bilihii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in Saraakiisha Warfaafinta ee Dowladaha Ethiopia, Somalia iyo Sudan kuwaasoo lagu eedeeyay iney si hoose u bilaabeen olole xoogan oo ku raad jooga Muwaadiniinta ka aragtida duwan waxeyna ka gudbiyeen Dacwado lagu xiraayo Baraha Bulshada…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Saxafiyiinta iyo Muwaadiniinta Dalalkaasi oo ka aragtida duwan lagu hayo Faaf-reeb, Xarig iyo adeegsiga awooda, si lagu xusay warbixin ay ka soo saartay IPI Xaalada Xoriyada Saxaafada, iyadoo la diiwaan geliyo in ka badan 60-xadgudub laga soo bilaabo Bishii April ee Sanadkaan.

Inta badan Hanjabaadaha dhanka ka ah Xoratul qowlka ama saxaafada waxaa geysta Mas’uuliyitiinta Dowladda, kuwa Amaanka, Garsoorka iyo Taagarayaasha Maamulka, iyadoo dhacdooyinka ugu badan laga diiwaan geliyay Somalia, iyadoo Wasaarada Warfaafinta ay ka dalbatay Maamulka Facebook ayaa ka codsatay in laga saaro Wareysi uu biixiyay Wariye Cabdalla Muumin oo dhiwr lagu xiray Mogadishu.

259850cookie-checkQeylo dhaan laga soo saaray Xaalada Xoriyada Saxaafada Geeska Africa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com