Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaya in gacanta lagu soo dhigay Horjoogihii hogaaminayay shabakadii fulsay qaraxii lagu khaarijiyay Gudoomiyihii Gobolka Mudug Marxuum Ahmed Muuse Nuur...
Xogtaan ayaa Diinah.com la qeybsatay in Saraakiisha Amaanka ee Magaalada Burco ay Taariikhdu markey aheyd 21-May-2020, waxey gacanta ku soo dhigeen Madaskaxdii (Horjoogihii) ka dambeeyay, Kooxdii fulisay Qaraxii Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, kooxdaan oo si dhuumaaleysi ah ku soo gashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, iyadoo ay xogtaan u gudbiyeen dadka degaanka kuwaasoo ka shakiyay 2-xubnood.
Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Saraakiisha Amaanka baaris markii ay la yeesheen Laba dhagar-qabe, ayaa midkood u sheegay inuu ka mid ahaa Kooxdii fulisay dalkii Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee 17-May-2020. Durbadiiba Saraakiisha Amaanka ayaa waxey Dhagarqabayaasha u gudbiyeen Magalada Hargeyso 23-May-2020 kuwaaso lagu wado baaris dheer ah.
Iskashigaan bilowga ah ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah, waxaana la sheegay in lagu lagu wargeliyay Saraakiisha Amaanka ee Puntland, qabashada Dhagarqabayaasha, Sirdoonka Puntland ayaa mudooyinkaan u dambeeyay waday howlgalo lagu baacsanayo shabakad Fulisa Qaraxyada & Dilalka Qorsheysan kuwaasoo laga soo abaabulay meel kabaxsan Puntland.