Laamaha Amaanka Kenya Oo Heegan la Geliyay Kadib Weerarkii Khasaaraha Geystay ee Buulo mareer

Africa News Somalia news

Maamulka Nairobi ayaa Heegan buuxa geliyay Ciidamadooda ka jooga Somalia iyo Hey’adaha Amaanka, kadib markii weerarkii dhiiga badan ku daatay ee lagu qaaday Ciidamada ATMIS qeybta Ugadan ee fariisinka ku lahaa Degaanka Buulo mareer..

Sida laga soo xigtay ilo Amaanka ah ayaa sheegay in Fejignaanta ugu badan la geliyay Ciidamada, Boliiska iyo Sirdoonka Kenya, iyadoo la sheegay in la kordhiyay Baraha laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqyada Dadka iyo Gaadiidka isaga gudba Xadka labada Dal laguna kordhiyay ila 14-Barood oo cusub.

“Taxadarka dheeriga ah wuxuu qeyb ka yahay kormeerka joogtada ah iyo Baaritaanka joogtada ah waxey qeyb ka yihiin waayo aragnimada laga dhaxlay Weerarkii 2016-kii ka dhacay degaanka Ceel cadde” ayuu yiri Sarkaal magaciisa ka gaabsaday, Weerarka Buulo mareer wuxuu ku soo hagaagay dhowr maalmood kadib markii Hey’adaha Amaanka Magaalada Gaarsia ay fashiliyeen weerar ay kooxda argagixisada ku doonaayeen iney fuliyaan.

258430cookie-checkLaamaha Amaanka Kenya Oo Heegan la Geliyay Kadib Weerarkii Khasaaraha Geystay ee Buulo mareer
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com