Guddiga Doorshada Oo U Ololeynaaya Muddo Kororsi

Politics

Iyadoo Waqti Xileedka Madaxweynaha & Golaha Shacabka ayka harsan 8-bilood, ayaa ilaa hadda caddeyn Nooca Doorasho ee la qabanaayo, marka laga soo tago sharciga doorashooyika uu dhawaan saxiixay Madaxweyne Farmaajo, waxaa taagan xasarad siyaasadeed oo u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Jubbaland. taaso salka ku haysa Hoggaanka ugu sareeyo oo qorsheystay mudo kordhin (1-2) sano, si uu u sii joogo…..

Waxaa marqaati ma doonto ah in Madaxda ugu sareeyso dalka ay ku kala qeybsan yihiin Nooca Doorasho ee dalka ka dhaceeyso maadama ay iska cadahay in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah, iyadoo aan jirin wada tashiyo laga gelinaayo Saamileyda Siyaasada iyo Bulshada rayidka ah.

Dhowaan Gudoomiyaha GMDQ Mrs.Xaliimo yareey ayaa 27-May la filayaa iney Golaha Hortagto si ay ugu sharaxdo xaalada uu dalka kusugan yahay iyo suurta galnimada in doorasho laqabanayo iyo Inkale, Diinah.com ayaa xaqiiqsatay in Marwo Xaliimo Yareey ay Xildhibaanada lawadaagi doonto qodobadaan soo socdo.

-Inuu dalka ka dilaacay caabuqa Coronavirus taaso aysan saamaxeynin in doorasho laqabto, hadii lagu dhiradana in laqabtana uu faafi karo Coronavirus.

-Waqtigoo yar iyo howl fara badan oo udhiman  GMDQ aysan saamixi Karin in laqabto doorasho qof iyo cod ah.

-Maamul Goboleedyada Qaar sida Puntland iyoJubbland ay is hortaag ku hayaan howlaha GMDQ.

-Waxey u soo jeedin doontaa in dib loodhigo doorashada muddo 1-2 Sano.

Haddaba waxaa marag madoonta ah Madaxweyne Farmaajo  ujeedadiisu tahay inuu rabo mudo kordhin  taaso hadii ay isku daygaas hore looqaado uu Somalia u horseedi karo dagaal sokeeye.

36640cookie-checkGuddiga Doorshada Oo U Ololeynaaya Muddo Kororsi