Egypt & Somalia Oo Heshiis Ka Gaaray Passport’s Diblomaasiga

Politics Somalia news

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu falanqeeyay qodobo dhowr oo ay ka mid yihiin howlgallada lagu ciribtiraayo Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada, kuwaasoo ku dhuumaleysanaya qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.

Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Egypt iyo Somalia, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo hagaagayay Xiriirka u dhaxeeya Egypt iyo Somalia, inkastoo Maamulkii Farmaajo uu xiriirkaasi hoos u dhigay cadaadis kaga yimid Maamulka Oromada Ethiopia oo culeys ku saaray xitaa in laxiro Dugsiyadii Waxbarashada, iyadoo Macallimiintii Masar loo qabtay iney muddo gaaban Dalka uga baxaan.

367460cookie-checkEgypt & Somalia Oo Heshiis Ka Gaaray Passport’s Diblomaasiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *