Mareykanka Oo Lagu Eedeyay Duqeynta Dadka Rayidka Ah

Somalia news

Warbixino laga diyaariyay Howlgalada iyo Duqeynta ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Qandaraas-layaasha (Contractors) ay ka wadaan degaanada Gobolada Gedo, Jubooyinka iyo Gobolka Waqooyi bari Kenya ay noqdeen kuwo lagu bartilmaameedsado Dadka Rayidka Ee Sooomaalida….

Warbixintaan ayaa lagu xusay in Sanadihii 2007-dii ilaa 2019- ay Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Drones-ka ay ka fuliyeen weeraro badan, halka Sanadkaan kaliyah ay fuliyeen 43-weerar kuwaasoo loo geysto Haween iyo caruur, waxaana howlgaladaan qandaraasyo lagu siiyay Shirkado calooshood u shaqeystayaal ah (Ciidamo Howlgab ah), waxeyna Xarumo ku leeyihiin Garoomada Bali-doogle (Somalia) iyo Camp Simba ee duleedka Magaalada Lamu (Kenya).

Shirkadahaan oo lagu kala magacaabo L3Harris Technologies, AEVEX Aerospace iyo Blackwater, Shirkadahaan ayaa hoos taga Shirkadda Big Safaari isla markaasna soo kireystay Duuliyayaal iyo Kooxo uruuriya xogaha sirdoon, waxeyna ku howlgalaan si ka baxsan shuruucada Caalamiga ah ee dhowrista Haweenka iyo Caruurta, iyagoo si bareer ah u bartilmaameedsada.

Tirada Dadka Rayidka ah ee lagu dilay weeraradaasi ay kor u dhaafayaan 250-qof, iyadoo aysan cid ka hadashay Xasuuqa lagu hayo Shacbiga Soomaaliyeed, Weeraradaan ayaa dhaliyay barakac xoogan.

54350cookie-checkMareykanka Oo Lagu Eedeyay Duqeynta Dadka Rayidka Ah