Gacan ka Hadal Dhex Maray 2-Xildhibaan oo Baarlamaanka Kenya ka tirsan & Ga’aanka Gudoonka..

Africa News Security

Macluumaad ayaa laga helayaa Gacan ka hadal dhex maray Laba Xildhibaan oo Haween ah kana soo jeedaa Degaanada Waqooyi Bari Kenya, kuwaasoo lagu arkey iyagoo ku dhex dagaalamaaya xeyndaabka Xarunta Baarlamaanka, dhacdadaan oo si weyn loogu baahiyay Baraha Bulshada aadna ay uga xumaadeen Shacbiga ka soo jeeda Degaanada Waqooyi bari Kenya..

Dirirtaan ayaa la sheegay iney dhex martay Xildhibaanada kala ah Mrs.Falhada Iiman (EALA) East Africa Legislative Assembly iyo Umulkheir Harun Mohamed (ODM Party) oo lagu soo xushay kuraasta loo qondeeyay Haweenka, iyadoo Afhayeenka Baarlamaanka oo guddi u xil saaray iney baaris ku sameeyaan sababta Dagaalka iyo Xildhiibaanada gacan ka hadlka bilaawday, gunaanadkii Baarista kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Kenya soo saaray Go’aan.

-In Xildhibaanad Falhada Iiman laga mamnuucay iney ka qeyb gasho Kulamada Baarlamaanka muddo 90-Maalmood ah, iyadoo uu sidoo kale amray Xildhibaankii duubay gacan ka hadalka isla markaasna ku faafiyay baraha bulshada, Labada Xildhibasn ayaa raali gelin ka bixiyeen Dhacdadaan, Gudoonka Baarlamaanku iu sheegay in aan marnaba la aqbli doonin falal noocaan oo kale ah sy ka dhacaan xarunta Baarlaamanka Xildhibaanada ku kacna la la xisaabtami doona.

367510cookie-checkGacan ka Hadal Dhex Maray 2-Xildhibaan oo Baarlamaanka Kenya ka tirsan & Ga’aanka Gudoonka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *