Cuddur Ku Faafaya Dalalka Bariga Africa Talooyin ku Aadan Ka Hortaga Caabuqa..

Africa News Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa si weyn looga hadal hayay shucuubta ku nook Dalalka Bariga Aftica cudur si fudud ku faafa oo la fahmi waayay waxa uu yahay, Dadka qaar ayaa walaac ka qabay inuu noqon karo safmareen keeni kara dhibaato caafimaad iyo mid nololeed…

Cudurkan oo leh calaamada Indho-casaadka ayaa ku faafay qaar kamid ah magaalooyinka Dalalka Geeska & Bariga Aftica, gaat ahaan Gobolada xeebaha ah meeshii ugu horeysay ee laga arkay faafitaanka cudurkaasi, Xogta caafimaadka ee hordhaca ah ayaa muujinaysa in 10.000-Bukaan ay kor u dhaafeen dadka uu cudurkaan uu soo ritay.

Muxuu Yahay Cudurkan?

Cudurkan waa caabuq ka yimaada Jeermisyo kala duwan, Kiimikooyin, Xasaasiyad, xaalado caafimaad oo gaar ah iyo Fangas, Dr Abdisamad Dhimbil oo ah Dhakhtar Guud oo ka howlgala cisbitaalka Zazi ayaa BBC da u sheegay in astaamo lagu garan karo ay in xanuunkaan ku soo hayo, “Caabuqa sababaya cudurka waxaa uu beegsadaa qaybta cad ee Indhaha, taasoo keenaysa indhuhu inay guduutaan, kadib uu yimaado cuncun iyo in la dareemo gubasho iyo biyo badan iyo mararka qaar oo Malax lagu arko qaar kamid ah bukaanada iyo indhaha oo bararaya.

Sidee lagu kala qaadaa?

Cudurkan ayaa lagu kala qaadaa taabashada ama salaanta qofka buka ee indhihiisu qaadeen jeermiska iyo dheecaanada neefsashada, Gacmaha qofka xanuunsan markii ay taabtaan ilmada indhihiisa ama dheecaanada kale ayay sahlan tahay qofka uu gacan qaadayo in ay u gudubto.

Wasaarada Caafimaadka Kenya ayaa kula talinaysa Dadweynaha inay muujiyaan feejignaan, ayna ku dadaalaan nadaafada gacmahooda, maadaama dhaqitaanka gacmaha ay dilayso jeermiska. Qoysaska ayaa iyagana lagu dhiirigaliyay in aysan la isticmaalin shukumaanada dadka kale ee qoyska ee looga shakiyay Cudurka.

310380cookie-checkCuddur Ku Faafaya Dalalka Bariga Africa Talooyin ku Aadan Ka Hortaga Caabuqa..