Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dowlada & Dib ula Wareegida Shababka Ee Degaano Badan

Africa News Somalia news

8-dii bishii June, ayeey Kooxda Shabaabka weerar ku qaadeen hotel ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku dileen lix qof oo marti ah iyo saddex ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Somalia, Xoogaga Gurmadka ah oo gudaha u galay hotelka si ay u soo badbaadiyaan 84 la heyste ah.

Weerarkan ayaa u muuqday fariin loo diray Hogaanka Dalka in aysan jirin meel Muqdisho ka mid ah oo ka caagan qalalaasaha, maadaama hotelka uu ku yaallo Xeyndaab “amaan ah”, Hoteelka iyo Dhismayaasha kale ayaa waxaa ku caweeya Mas’uukiyiinta Dowladda iyo Qurbajoogta.

Weerarkaan ayaa wiiqay Qorshaha Madaxweynaha, iyadoo kooxda Argagixisada suurto gelisay iney tiro Weeraro Qorsheysan ku qaado hoteelo tan iyo markii uu Xafiiska la wareegay, wxeyna weerareen 3-Hoteel (Hotel Xayaat, Hotel Reys iyo Hoteelka Pearal Beach), Marka laga soo tago Weerarda Hoteelada, howlgalkii ugu dambeeyay ee kooxda Argagixisadu fuliyeen ayeey ku dileen 54 askari oo Ugandes ah oo ku sugnaa saldhig ku yaal Gobolka Shabeelada Hoose, sidoo kalena weeraray Fariisimada Ciidamada (ATMIS) ee Ka soi jeeda Burundi iyo Ethiopia.

Kooxdani waxay weli ku adkaysanaysaa go’aankeeda ah inay baabi’iso joogitaanka “shisheeye” ee ciidamada AU-da ee Somalia, iyagoo ku bartilmaameedsada qaraxyo+is-miidaamin ah oo ballaaran oo lala beegsaday bartilmaameedyo militari iyo rayid, si ugu dambeyntii looga dhaqan geliyo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Degaanada Somalia oo dhan.

262890cookie-checkWajiga 2-aad ee Dagaalka Dowlada & Dib ula Wareegida Shababka Ee Degaano Badan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com