USA Oo Xogta Haweeney Soomaaliyeed ku Raadinaaya 5-Millions US$..

Security Somalia news U.S. World

Sida ay baahiyeen Laamaha Cadaalada Dalka Mareykanka, ayeey ku sheegeen iney ku raad joogaan xogta Haweeney Soomaaliyeed oo Xilal sare ka heysa Kooxda Argagixisada Daacish, taasoo ku nooleyd Qeybo ka mid ah Dalka Syria, waxaana madaxeeda la dul dhigay 5-Millions US$..

Wararka ayaa sheegaya in Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Khadra Ciise kuna magac dheer (Ummu Qacqaac), iyafoo heysata dhalashada Dalka Holland, asal ahaan ka soo jeeda Somalia, Waxaa lagu eedeeyay inay taageertay weerarro ismiidaamin ah iyo dilal lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Intaa waxaa dheer, Khadra Ciise ayaa lagu tuhunsan yahay inay faafisay fikirka xagjirka ah ee kooxda ISIS, islamarkaana ay kaalin ku lahayd qorista xubno cusub oo kooxdaas ku biiray.

Sidoo kale, Khadra Ciise waxaa la sheegay inay xanaanayn jirtay carruur la afduubay, Sanadkii 2019, waxay gacanta ku haysay labo ilmo Mareykan ah oo kala ahaa Yusuf iyo Zahra Shikder, kuwaasoo ay u qaaday meel aan la garanayn oo ku taalla Syria kadib geeridii hooyadood oo lagu dilay duqeyn lagu qaaday ISIS, Lama oga halka ay ku sugan tahay haweenaydan, hase yeeshee Maraykanka ayaa ku daray liiska dadka loogu doonista badan yahay ee madaxooda la duldhigay malaayiin dollar.

368650cookie-checkUSA Oo Xogta Haweeney Soomaaliyeed ku Raadinaaya 5-Millions US$..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *