Villa Somalia Oo Ugaarsi Ku Heysa Shaqaalaha Gobolka Benadir

Somalia news

Waxaa sii kordhaya cadaadiska, Mushaar joojinta iyo shaqo ka eryida lagu hayo shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, todobaadyadii ugu dambeeyay, kadib markii uu Maamulka Gobalka ka billowday cadaadis la saarayo shaqaalaha ka aragtida duwan Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday (Farmaajo)…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in ka badan 70-qof ayeey kor u dhaafayaan Shaqaalaha shaqada laga eryay, kuwaasoo ka tirsanaa dowladda Hoose, kuwaasoo dhamaantood ah shaqaalaha rayidka ah ama waa kuwa aan ka tirsaneyn qeybaha amaanka.

Dowladda Hoose ee Xamar weli kama aysan hadlin go’aankaan wadareedka shaqada looga eryayo shaqaalaha Gobolka, hase yeeshee waxaa sababta lagu sheegay in la beegsanayo dhamaan dadka ka aragtida duwan Farmaajo iyo siyaasada uu maamulka gobalka ku shaqeeyo, waxaana wada Duqa Magaalada iyo kuxigeenkiisa xagga Amniga.

120010cookie-checkVilla Somalia Oo Ugaarsi Ku Heysa Shaqaalaha Gobolka Benadir