Dagaalka Kooxaha Xasan Sheekh & Farmaajo oo sii laba kacleeyay (Geeri Bug ah)

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaayay todobaadyadii ugu dambeeyay dagaal mindhicireed (Intestinal war) ee salka ku haya baahinta Beenta ee baraha bilshada kaasoo u dhaxeeyay Horjoogayaasha kala taageersan Xasan Sheekh iyo Farmaajo…

Iyadoo taageerayaasha Kooxda Farmaajo ee CBB ay sii xoojiyeen weerarkii ay ku hayaan Xasan Sheekh iyo Wasiirkii 1-aad ee hore Mr.Rooble, iyagoo inta badan aflagaado aan loo meel dayin ku hayay intii uu khilaafka siyaasadeed u kala dhaxeeyay Farmaajo, iyadoo ay soo shaac baxeen farsamo cusub oo isticmaalka Baraha bulshada looga saaraayo.

Kooxdaan CBB oo u badan kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga, Sool iyo Soomaalida Kenya ayaa dagaalkooda bartilmaameedkooda 1-aad ka dhigtay Mr.Rooble, iyadoo dagaalkaan uu xoogeystay markii Agaasimihii hore Ee NISA (Fahad) laga hor istaagay inuu Xildhibaan noqdo.

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in la xiray Bartii Carkowga Cali Daacuun, waxaa xigay in Barihii Cali Yare iyo Naciimo Qorane dhimasho bug ah hawada looga saaray, waxaa sidoo kale lagala wareegay Bartii Maxamed Bashiir oo ka jeeda Beesha Sacad, iyadoo weli ay dagaalkaan sii wadaan Faarax Geylan iyo Cabdirisaaq Yuusuf Cali oo u baxsaday dalka Turkiga.

Fiiro gaar ah Xubanhaan oo Maamulkii Farmaajo siiyay Baasaboro Diblimaatiga ah iyo kan Shaqada (Services), ayaa laga wada kansalay kadib markii uu amar ku bixiyay Agaasimaha Socdaalka.

198330cookie-checkDagaalka Kooxaha Xasan Sheekh & Farmaajo oo sii laba kacleeyay (Geeri Bug ah)