Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa weerar ay xalay Maleeshiyaad ka tirssn kooxda argagixisada shabaabka ku qaadeen fariisimo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa NISA ku leeyihiin Degaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho, kaaasoo dhaliyay khasaare dhinacyadaan soo kala gaaray…
Weerarka ayaa la sheegay in duulaanka Maleeshiyaadku uu ku bilaawday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac halkaas ku dhexmaray, kaaso la isku adeegsanaayay hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan wali si dhab ah loo ogeyn inta uu dhan yahay khasaaraha dhab ah ee dagaalka.
Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxda argagixisada ay mudooyinkii u dambeeyay ay si weyn u kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan fariisimaha Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Degaano iyo Degmooyin ku yaala gobolada bartamaha iyo Koonfurta dalka, iyadoo Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia uu ku guuldareystay inuu xakameeyo ama Amaanada loo dhaariyay ku celiyo Baarlamaanka iyo Shacbiga.