Agaasimihii 5-aad Ee Xafiiska Madaxtooyada Oo Shaqada Ka Tagay

Somalia news

Agaasimihii Madaxtooyada Villa Somalia Dr. Nuur Diiriye Fuursade ayaa isaga tagay shaqada Madaxtooyada, kaddib muddo sanad ah oo uu xilkaas hayay.

Dr. Fuursade ayaa ka mid ahaa xubnaha aadka loogu saadaalinayay in loo magacaabayo xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Lama oga shaqo ka tagistiisa inay la xiriirto ku hungoobida xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la sheegay inuu dib ugu laabtay dalka Canada, waana markii 2-aad uu ka caroodo Hab-dhaqanka Mr.Farmaajo.

Dr. Fuursade ayaa noqday agaasimahii 5-aad ee soo mara Villa Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabsaday.

54120cookie-checkAgaasimihii 5-aad Ee Xafiiska Madaxtooyada Oo Shaqada Ka Tagay