Ma Dhabaa In Fahad Laga hor istaagay inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Laamaha Amaanka ee Garoonka diyaaradaha ee magaalada Mogadishu ay Galabta Garoonka diyaaradaha ka horjoogsadeen inuu ka dhoofo La-taliyihiin Amaanka ee Madaxweynihii hore Farmaajo….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Eedeysane Fahad Yasiin oo ku qornaa duulimaadkii Galabta ee Qatar Airways Mogadishu-Dooxa laga reebay, wuxuuna wajahaayaa dhowr kiis dacwadeed oo ay dilal iyo afduub ah, waxaana qoraal ay soi saartay Maxkamada Ciidamada lagu wargeliyay Laamaha Amaanka Garoonka in safarka laga joojiyo, xabsi gurina la geliyay.

Horey ayeey Qoyska Sarkaaladii NISA ee Marxuumaf Ikraan Tahliil ay u gudbiyeen dacwad kol hore balse hadda ayey maxkamada uyeeri doontaa sida la fahamsan yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

189360cookie-checkMa Dhabaa In Fahad Laga hor istaagay inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha