Deni Oo Daaqada Ka Saaraya Gudoomiyaha Doorashooyinka Puntland..

Domestic News Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa isbedel lagu sameeynasyo Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka, iyadoo Maamulka Deni uu dhawaanahan ka riixaayay olole ku aadan in meesha laga saaro qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka PEC oo ay ku jiraan Howlwadeenada ugu sarreeya Gudigaasi..

Xogaha ayaa tilmaamaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr.Juxaa lagu wado in laga qaado Wasaarada loona dhiibo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, iyadoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka xiligaan ee PEC Axmed Maxamuud Cumar (Keke) iyo xubno kale oo ka tirsan Guddigaasi xilka, laga xayuubin doono, kadib markii uu tuhun galay Mr.Deni kalsoonidii uu ku qabayna luntay.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha ama Maaliyada loo magacaabi doono Mr.Abshir Huruuse oo ka mid ahaa Musharixiintii tartanka la gashay Mr.Deni horeyna u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibeda Dowlada Federaalka, isbedelaan ayaa u muuqda kuwo uu ku xoojinaayo Deni Maamulkiisa.

369140cookie-checkDeni Oo Daaqada Ka Saaraya Gudoomiyaha Doorashooyinka Puntland..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *