Xafiisyada Dowlada Oo Howlahoodii Hakad Galay

Somalia news

Bilihii ugu dambeeyay, waxaa ka bilaawday magalaada Muqadisho astamihii lagu yaqiinay xiliga kala guurka taasOo ay ka mid tahay in Mas’uuliyiinta dowlada oo ay u horeeyaan Wasiirada ilaa Agaasimayaasha waaxeedyada ayan soo xaadirin shaqada xafiisyada dowladda….

Sababta Ma aha kaliya in cudurka COVID-19 uu keenay in  xafiisyadda dowlada laga baaqsado tagitaanka, laakiin waxaa wehliya iyadoo ayan jirin cid Mas’uuliyad iska saareysa inay socod-siiyaan howlihii dowlada, gaar ahaan kuwii qabanayay howlaha muhim u ah nolol maalmeedka shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka.

Iyadoo maalinba maalinta ka dambeeysa sii lumaya asluubtii shaqo ee shaqaalaha dowlada iyadoo ayan jirin cid dabagal ku sameeynaysa geedi socodka howlaha dowlada fedaraalka. Mid ka mid wasiiro ku xigeenada Dowlada Federaalka ayaa laga soo xigtay  in wax shaqo dowlo ah ayan ka socon Wasaaradaha.

“.. walaahi ma garanayo xiligii  iigu danbeeysay oo aan u shaqo tagay xafiiskeeyga, yaa loo sheeqeeyaa mar hadii dalku galay xaalad siyaasadeed oo jahaweer leh”, ayuu yiri mid ka mida wasiir ku xigeenada dowlada fedaraalka.

44910cookie-checkXafiisyada Dowlada Oo Howlahoodii Hakad Galay