Caqabadaha & Faa’iidada Somalia u Leedahay ka Mid Noqoshada Urur-Goboleedka EAC..

Africa News Somalia news

Dalka Somalia ayaa la sheegay dhowr talaabo u jirto iney si rasmi ah uga mid noqoto Xubnaha Dalada Bulshada Bariga Africa (EAC), iyadoo dadaaladaani ay ka dhasheen falcelino kala duwan, maadama Dalku uu weli uu wajahaayo Colaado salka ku haya afkaarta xagjirnimada iyo kuwa sokeeye…

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Geeska Africa ayaa laga soo xigtay in Faa’iidooyinka Dalku u leeyahay ku biiritaanka Ururkaasi ay kordhin karto Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo socodka Dadka iyo isku xirka Africa iyo Jasiirada Carabta, Dalka Somalia ayaa la aminsan yahay iney ku nool yihiin ku dhowaad 20-million ayaa noqoneysa hadii ay ku guuleysato xubintii 8-aad ee Daladda EAC, iyadoo kor u qaadeysa isku socodka Badeecadaha, Adeegyada iyo Dadka.

Dhanka kale, Caqabadaha ayaa Dalal dhowr ah oo Ururka EAC ayaa aaminsan in Dhibaatada kooxaha argagixisada ay ku soo fidi karaan Dalalkaasi, inkastoo muddo sanado ah ay kooxaha argagixisada howlgalo kooban ka wadaan Dalalka Kenya, Uganda iyo DRC, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago faafida Afkaarta qalafsan ee Kooxaha argagixisada, kuwaasoo ka faa’ideysanaaya Shaqo la’aanta Dhalinyarada.

Laakin in Dal si loogu oggolaado inuu xubin buuxda ka noqdo Ururka EAC, waa inuu sidoo kale lahaadaa Hey’ado Demuqaraadi ah oo xoogan, taasoo xiligaan Somalia aan si dhameystirneyn uga jirin, inkastoo Dalalka South Sudan & DRC ay colaado la mid ah kuwa Dalkaan la dageen waxaa kaloo dhiiri gelinaaya ka mid noqoshada EAC Jaaliyada Somalida ee Dalalka Kenya, Tanzania, Ugandha iyo South Sudan kuwaasoo dhaqaalo badan Wadamadaasi geliyay.

259490cookie-checkCaqabadaha & Faa’iidada Somalia u Leedahay ka Mid Noqoshada Urur-Goboleedka EAC..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com