Xoolo-Dhaqatada Gaarisaa Oo ka Soo Kabaneysa Abaaraha & Amni xumida..

Africa News Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegaya in kadib muddo dheer dhibaato ka jireen ka ganacsiga Xoolaha oo loo sababeeyay Abaaro daba dheeraday, cudduro iyo Amni xumo uu haatan dib u bilaawday Ganacsiga Xoolaha..

Wararka ayaa sheegaya in laga soo bilaabo Sanadkii 2019-kii degaanka Gariisa tiro koob lagu sameeyay xoolaha ayaa lagu sheegay iney Dadka heysteen 816,057 oo Geel ah, halka Lo’da 6,063, Ariga 3,857,292, Idaha 1,407,170, Abaarihii sanadkii 2022-kii ayaa waxaa xoolo dhaqatada kaga dhintern 2-millions oo noocyada Xoolaha kor ku xusan, iyadoo loo sababeeyay Robabka oo yaraaday iyo Isbedelka Cimilada.

Bulshada Xoolo-dhaqatada ayaa haatan si gaabis ah dib uga soo kabanaaya dhibaatada kaga habsatay Xoolaha, waxaana muuqaneysa ifafaalo rajo oo Dadka Degaanka ay dib u bilaabeen ka Ganacsiga Xoolaha gaar ahasn iibinta Hilibka iyo Caanaha Xoolaha, inkastoo ay weli taagan xaaladaha Amaan ee ku xeeran daaqa Dowlada Kenyana xal u weysay.

369190cookie-checkXoolo-Dhaqatada Gaarisaa Oo ka Soo Kabaneysa Abaaraha & Amni xumida..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *