In ka badan 2 Milyan oo Xujey ah oo Buurta Carafo u taagan gudashada Rukniga Xajka..

Uncategorized

In kabadan Ku dhowaad 2-Millions iyo bar Xujey ah ayaa maanta taagan buurta Carafw si ay u gutaan rukniga ugu weyn ee arkaanka Xajka, xujeydu waxa buurtaan ku gaareen Gawaari loogu talagalay iney u adeegaan & Xujeyda qaarkood oo saacado badan u lugeynayay…

Maalinta Carafo (9ka Bisha 12aad ee Hirjiyada) Waa maalin fadli badan oo Muslimiinta looga baahan yahay in ay kordhiyaan ducada iyo baryada alle maadaama ay heystaan fursad weyn si loogu dambi dhaafo.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay diyaarisay dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin Xujaajta, waxaa heegan buuxa la geliyay howlwadeennada halka la hubiyay Kaamirooyinka lagala socda dhaqdhaqaaqa Dadka.

Xujeyda ayaa Duhurka kasoo degi doonta Buurta Carafo si ay u gutaan Salaadaha Duhurka iyo Casirka oo lasoo gaabiyay mar qurana ay wada dukanayaan iyaga oo kaddib dib ugu laaban doona Buurta ilaa gabbal-dhaca maanta dulsaarnaan doonnaan.

Sanadihii u dambeeyay waxaa yaraa tirada Xujeyda kaddib markii uu saameyn ku reebay faafitaanka Xannuunka Covid-19 oo dhaliyay xayiraad looga hortagayo cudurkaan si aanay usii faafin lana joojiyay Xujaajta.

262970cookie-checkIn ka badan 2 Milyan oo Xujey ah oo Buurta Carafo u taagan gudashada Rukniga Xajka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com