Maxaa Keenay in Xubno ka tirsan Asaasayaashii Xisbiga Wadajir ay iska Casilaan

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf muddo soo jiitamaayay una dhaxeeya Asaasayaashii Xisbiga Wadajir, iyadoo Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen 19 xubnood oo ka tirsanaa Xisbigaasi ee Xil.Cabdiraxmaan C/shakuur uu hoggaamiyo lagu cadeeyey in dhamaantood ay iska caaileen ka mid ahaanshaha Xisbiga…

Wararka ayaa sheegay in Xubnaha is-casilay ma sheegin waxa sababay go’aankooda, balse waxay ku gaabsadeen inay jiraan arrimo u gaar ah oo ku khasbay inay gaaraan, Qoraalka ayaa lagu xusay “Xisbiga Wadajir waxa uu ka mid ahaa Xisbiyada ugu caansan ee Dalka ka dhisan.

Muddadii uu jiray xisbiga waxuu ku guuleystay ballaarinta iyo baahinta nidaamka axsaabta badan iyo dimuqraadiyeynta dalka. Xisbiga waxuu xarumo ku yeeshay dalka gudahiisa iyo dibadiisa. Sidoo kale, tan iyo markii la aasaasay ee bishii June sanadki 2016, xubunaha iyo taageerayaash xisbiga waxey kor u dhaafeen kumanaan.”

245170cookie-checkMaxaa Keenay in Xubno ka tirsan Asaasayaashii Xisbiga Wadajir ay iska Casilaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com