Share the post "Midowga Europe oo ka Digay Maalgelinta Mustaqbalka Amniga Somalia.."
Dalalka ku bahoobay Midowga Yurub oo muddo dheer ka mid ahaa maalgeliyeyaasha ugu waaweyn howlgalka Nabad ilaalinta AUSSOM ee Somalia, ayaa muujiyay baahida loo qabo in si caddaalad ah loo qaybiyo Mas’uuliyadda dhaqaale iyo tan farsamo ee howlgalka nabad ilaalinta Somalia…
Howlwadeenada Midowga Europe oo ku sugan Xarunta Ururkaasi ee Magaalada Brussels ayaa sheegaya in Dalalka kale ee saameynta leh sida Wadamada Khaliijka, Mareykanka, China iyo Quwadaha Gobolka Afrika ay tahay inay hadda bilaabaan bixinta kharashaadka haddii hawlgalka xasillinta Somalia la doonaayo inuu sii shaqeeyo.
Saraakisha Reer Europe ayaa waxey muujiyeen daal miisaaniyadeed oo sii kordhaya iyo in mustaqbalka Somalia aanu ku xirnaan karin kaliya deeqsinimada Midowga Yurub, iyadoo xilugasn Dunidu la daala dhaceyso dhaqaale xumi baahsan iyo dagaal siyaasadeed uu soo kordhiyay Maamulka Washington.
Hawlgalka AUSSOM ayaa sidoo kale u gudbaya wejiyo cusub, isagoo ka baxay qaabkii ciidamo nabad ilaalin ah oo toos ah kuna sii soconaya dhinacyo ay ka mid yihiin taageero farsamo iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, talaabadaan ayaa timid xil kala daadasho ay ka muuqato Ciidamada Xooga Dalka kana dhalatay Istraateejiyad iyo farsamo ka timid Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia.