Halkee ayuu Ku Dambeeyay Khilaafka Baarlamaanka Puntland & Madaxweynaha

Somalia news

In muddo ah waxaa soo shaac baxaayay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeyo inta badan Xikdhibaanada Puntland & Madaxweynaha (S.Dani), Xiisadaan oo salka ku heysa Dhismaha Magacaabista Garsoorayaasha Maxkamada Sare, iyadoo laba jeer ay ku gacan seyreen Magacaabista Liiska uu Madaxweynaha soo gudbiyay…

Kulamo uu Madaxweynaha Puntland kula faqaayo Xildhibaanada degaanada ka soo kala jeedaan ayuu bilaabay, inkastoo Guddigga Baarlamaaniga ah oo uu hoggaaminaayo Xildhibaanka Saadiq Abshir Garaad, ay Madaxweynaha ka dalbadeen inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan dhowrista Shuruucda iyo Xeerarka Baarlamaanku gaaro, haddii uu aqoonsan yahayna ay waajib ku tahay inuu garsoorka wax ka qabto soona magacaabo mid cusub.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Deni uu mabda ahaan oggolaadey inuu soo magacaabo Golaha Adeega Garsoorka laakiin wakhti la siiyo, sidoo kale waxay ka dalbadeen ka hor inta aanu soo magacaabin inuu hadda u cadeeyo Xubnaha xasaanada waayey ee wareegtadiisa ku shaqeynaaya iney kala dareeraan oo aysan ku shaqeyn goobaha garsoorka, taasoo uu ka maagey inuu jawaab sax ah ka bixiyo.

Dhanka kale Madaxweyne Deni waxa Xildhibaanada u sheegay inuu doonaayo in uu la heshiiyo Baarlamaanka gobol gobolna ula kulmaayo, laakiin Xildhibaanada ayaa u sheegay in aysan jirin shiddo kale ee la doonaayo in u fuliyo go’aanada baarlamaanku gaaraan keliya, waxeyna Xildhibaanadu shuruud uga dhigeen in wada shaqeyntu ay ka bilaabanayso sida uu arrinta garsoorka wax uga qabto.

204030cookie-checkHalkee ayuu Ku Dambeeyay Khilaafka Baarlamaanka Puntland & Madaxweynaha