Share the post "Shirkii Kampala oo La isla Gartay in Dib u Heshiisiin la dhex dhigo Garabyada Siyaasada Dalka.."
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shirkii TCC ee ku soo dhamaaday magaalada Kampala ayaa la isla gartay in dib u heshiisiin la dhex dhigo Garabyada Siyaasada Somalia, kuwaasoo muddo khilaaf xoogan kadhex taagna xalna loo waayay..
Hogaamiyayaasha Ciidamada ku taageera Somalia, inkastoo kulanka Kampala aysan uga hadlin Road map ama wadahadal loo samaynayo Soomaalida dhexdeeda, sida ku cad war murtiyeedka madaxda shirka ka soo qayb gashay waxaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Madal ay ku kulmayaan Dalalka ciidamada ku taageera iyo Dowladda Somalia.
Waxaa la isku raacay aasaaska madal ka kooban Dalalka Ciidamada ku Yaboohay TCCs iyo Somalia ayaa lagu yiri war-murtiyeedka, Madashan oo ah heer Madax qaran iyo Madax xukuumadeed waxaa hoggaamin doona, Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo Madaxa Ciidamada TCCs oo kaashanaya Midowga Afrika kaas oo ka caawin doono xoghaynta iyo galalka hawlgalka.
Madaxda dalalka Ciidamada AUSSOM ay ka joogaan ayaa ogolaaday in la sameeyo wadada hirgelinta shaqada—Road Map-si loo qiimeeyo Hawlgalka AUSSOM iyo qorshaha horumarinta amniga ee Somalia Madaxda ayaana isku raacay in laba bil gudahood ku yeeshaan shirkooda ugu horreeya.