Maamulka Cusub ee Dowladda Federaalka ma ku Guuleysan karaa Xiritaanka Maxkamadaha Shababka

Somalia news

5-tii sano ee u dambeysa Kooxda Argagixisada Shababka ay ku guuleysteen iney adeeg Garsoor oo hufan u fidiyaan Shacbiga magaalada Mogdishu iyo Degmooyinka ku xeeran, iyagoo saldhig ka dhigtay duleedka Magaalada, Kooxdaan ayaa sidoo kale Dekeda Caasimada shixnadaha Ganacsi ee kala duwan oo ka soo dega…

Maamulkii Fashilmay ee Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay wax ka qabashada iyo Xakameynta Kooxda Shababka, iyadoo Dowladda Federaalka ay toddobaadkaan shaacisay iney qorsheyneyso in ay la dagaalanto maxkamado ku-sheegga ay maamulaan kooxda maleeshiyada ah ee Shabaabka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa qiray in Muwaadiniin badan oo Soomaali ah ay caddaalad u raadsadaan Garsoorka Kooxdan kuwaasoo ku yaal Duleedka Dayniile iyo degaanka Basra, maadaama nidaamka Garsoor ee Dalka uu yahay mid daciif ah ayna la dageen Musuqmaasuq iyo Aqoon darro, Waxeyna Go’aano ka gaaraan Dacwadaha Dhulalka iyo Muranka ka dhasha Qandaraasyada.

Hase yeeshee Khubarada ku xeel-dheer Arrimaha Gudaha Dalka, ayaa sheegay in xiritaanka Maxkamadahaan aysan noqon doonin hawl fudud, oo si laab-la-kac ah ku baabi’in karin, iyadoo ay u baahan tahay Qorshe Istrateji leh, marka hore la tayeeyo Hey’adaha Amaanka, Xabsiyada, Xeer ilaalinta & Garsoorka, maxaa yeelay Kooxdaan Dhaqaale badan ayeey u huraan kuna maalgeliyaan Laamahooda Garsoorka.

208540cookie-checkMaamulka Cusub ee Dowladda Federaalka ma ku Guuleysan karaa Xiritaanka Maxkamadaha Shababka

2 thoughts on “Maamulka Cusub ee Dowladda Federaalka ma ku Guuleysan karaa Xiritaanka Maxkamadaha Shababka

  1. Kooxdaan Anigu magacooda ma aqaan, laakin waxaan u maleynayaa iney ku jiraan riyo maalmeed iyo jeesjees xaqiiqatan, Sababta keliya ee ay shabaabku shacabka ugadhex atooreynayaan waxey ila tahay inay dowladnimadu shacabka kadhex maqan tahay.firaaqadaasina ay Wanaagsan uga faa’iideysteen.

  2. Koley riwaayadii “maaweelo iyo Madadaalo” ayeey wadaan Dembi jadiid Qorshe ma hayaan sidii kii ka horeeyay ayeey Baraha bulshada Miidiyaha ka faanaan “Dalkaan Cidna uma maqna ceelna uma qodna.

Comments are closed.