Yaa Hubiya Tayada Daawooyinka & Raashinka Dalka la soo Geliyo

Somalia news

30-kii sano ee u dambeysay Dalka Somalia ayaa Hanaanka Caafimaadka wuxuu ka mid noqday qeybaha burburka Dowladnimada iyo kala dambeynta saameeyay, iyadoo ay soo baxeen Gadisley aan Dadka u naxeynin kuwaasoo dalka soo geliya Daawooyin wakhtigoodu dhacay, kuwa tayadoodu hooseyso iyo kuwo aan la hubin…

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in baaris ku saabsan hanaanka loo iibiyo daawooyinka caabuqa bi’iya oo dadku u yaqaannaan qalajiye (antibiyootiko), Baarista waxaa lagu ogaaday in xiriir la sheegay inuu ka dhexeeyo qaaxada aan laga bogsoon iyo iibinta antibiyootikada aan loo marin wado sax ah uu jiro, iyadoo inta badan Dadka Waaweyn iyo Caruurta ay Farmishiyayaasha ka iibiyaan Warqad dhakhtar la’aan Daawada.

Farmashiyayaasha Dalka ayaa lagu iibiyay tiro badan oo Dawooyin laga soo dhoofiyo Dalalka Turkiga, Masar, India, Pakistan iyo Kenya, ayaan darro ma jirto Hey’ad u xil saaran hubinta iyo ilaalinta tayada Daawada iyo iney Milkiilayaasha & Shaqaalaha aqoon u leeyihiin una hogaansamayasn anshaxa iibita Daawada.

Waxaase ka sii daran Ilaa hadda Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka dabagal kuma sameeyaan dhibaatadan caafimaad ee ka dhalata iibinta Antibiyootiga mana soo saaraan tilmaamo lagu hagayo farmashiyeyaasha iibiya antibiyootikada warqad dhakhtar la’aan, waxaana loo baahan yahay in Wasaarada Caafimaadka iney dib u eegaan Howlaha loo igmaday waxna ka qabtaan dhivaatadaan.

219400cookie-checkYaa Hubiya Tayada Daawooyinka & Raashinka Dalka la soo Geliyo