Share the post "Weerar Khasaare Dhimasho Dhaliyay Oo lagu Qaaday Shaqaale Xoogsato ah & Sababta.."
Warar hordhac ah ee naga soo gaaraya magaalada Mandheere ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Maleeshiyaad hubeysan ay wadada u galeen Shaqaale muruq-maal ah oo ku safraayay Gaari Toyota mini-bus nooca Homey ah xili aroornimo ah, iyagoo ku sii jeeday Gododka Dhagaxda laga qodo..
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka hubeysan tiradooda lagu qiyaasay ilaa 10-Dabley ah oo hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada Shababka, ayaa lagu soo warramayaa in abaaro 6:00 subaxnimo ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari Mini Bus ah oo ay saarnaayeen shaqaale, meel u dhow tuulada Bor Abor ee Degmada Mandheera, waxayna ku amreen in ay gaariga ka soo degaan.
Waxaana laga uruuriyay Mobile-da ay wateen iyo Kaararka Aqoonsiga, kadib waxaa la toogtay iyagoo dhulka jiifa, Falkaan murugada ayaa waxaa geystay Kooxda argagixisada Shababka, kadibna u baxsaday Dhanka xadka Somalia, waxaana la aqoonsaday Shan Qof io Dadkii la dilsy kuwaasoo aan kadoo jeedin Degaanada Waqooyiga Bari Kenya, waxeyna magacyadoodu kala yihiin Mbaabu Karuma, Stephen Mambo, Evas Simiyu, Bernard Masika and George Kilobi.
Wararka ayaa sheegaya in in 13 qof oo kale ay u carareen duurka oo markii dambe la soo badbaadiyay, Afhayeenka Boliiska Kenya oo warbaahinta ay isku dayeen in dhacdadaan wax laga weydiiyo ayaa sheegay iney xireen Wadihii Gaariga iyo Kaaliyihiisa si su’aalo looga weydiiyo dhacdadaan.