Ubucda Khilaafka Shidaalka Iyo Ku Saan-tirashada Galmudug Iyo K/Galbeed

Somalia news

Wararkii Ugu Dambeeyay ee laga helaayo Khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Mr.Farmaajo iyo Wasaarada Maaliyada iyo Wakiilada Bangiga Aduunka ayaa la sheegay inuu xalay in ilaa xili dambe u socday, iyadoo aan laga gaarin wax heshiis, lamana hubo in Xafladaasi Maanta lagu qabanaayo Xarunta Madaxtooyada….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Heshiiskaan uu Mr.Farmaajo ku qasbay Maamulada Galmudug iyo Konfur galbeed, iyadoo Wasaarada Macdanta iyo Hey’adda Shidaalka ay maamulaan Xubno ka soo jeeda Beesha Mariixaan Ee Mr.Farmaajo, kooxdani ay noqon doonaan kuwa maamula Xirmooyinka shidaal Ee Degmooyinka Xeebaha Ee Baraawe (K/Galbeed) Iyo Hobyo (Galmudug).

Madaxda Maamulada labada Gobol ayaa oggolaaday iney qaataan dhaqaale yar (2-Million US$), oo loogu yahoobay si uu u hirgalo Heshiiska, iyadoo Mr.Farmaajo uu quudareynaayo in saxiixa heshiiskaan uga faa’iideysto labada Qowsaar si ay u soo xulaan Xildhibaano liiskooda loo dhiibay, dibna loogu doorto mar kale Xilka Madaxweynaha.

Madaxda Shirkadaha Liberty Oil Gudoomiyaha Shirkadda Mr.Lane Frank’s iyo Coastline oo ka soo kicitomay Magaalada Istanbul (Turkey) ayaa lagu wadaa in habeenkii 2-aad ku hoydaan Magaalada Mogadishu, waxaana ku wehliya Saraakiil ka tirsan Maamulka Ankara oo isku dayaaya inuu gacanta ku dhigo Kheyraadka Somalia, isla markaasna aad u taageersan dib u Doorashada Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

Warar kale ayaa sheegaya in Senator Cabdi Xasan Cawaale oo door hormuud uu ku leeyahay Shirkadda Shidaalka iyo Saxiixaba, isagoo olole ugu jiray sidii uu qeyb uga heli lahaa 120-million US$ oo ay bixinayaan labadaan shirkadood, iyadoo kale ay sheegaayaan in Maamulka Konfur Galbeed aysan ku faraxsaneyn Heshiiskaan kadib markii dhaqaale yar loogu yahoobay oggolaashahooda.

84650cookie-checkUbucda Khilaafka Shidaalka Iyo Ku Saan-tirashada Galmudug Iyo K/Galbeed