Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo la qorsheeyay inuu si rasmi ah uga furmo maanta magaalada Muqdisho, ayaa dib loo dhigay kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranka, sida lagu xusay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka…
Qoraalka ayaa lagu xusay in Shirka la qaban doono maalinta Isniinta ah oo ku beegan 5ta bisha May 2025, laguma xusin sababta keentay in dib loo dhigo Shirka, Lama bixin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee warar la helayo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay isku dayayso in shirkan ay kaasoo qeyb galaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka aragtida duwan dowladda , kuwaas oo ka maqnaa shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha.
Waxaana diiday inuu ka soo qeyb galo Shirka Madaxa zmasmul Goboleedka Puntland, iyadoo Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu ka hor istaagay Madaxa Maamulka Jubbaland, Beesha Caalamka oo dabada ka riixaysa qabsomidda shirkan, ayaa dhawaan ugu baaqday Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, iyo dhammaan saamileyda kale inay si degdeg ah u kulmaan si loo gaaro mowqif midaysan oo wax ku ool ah.