Ku Dhex Milinka Kooxda Argagixisada ee Xafiisyada Dowladda & Saameynta Hogaanka Dalka..

Somalia news

Muddo Sanado ah waxaa dhibaato xoogan ka taagan tahay sidii loo xakameyn lahaa ku dhex milinka Xafiisyada Sare Dowlada ee Kooxda Argagixisada Shababka iyo saameynta Hogaanka Dalka oo lagu eedeeyay iney fududeeyaan fulinta Howlahaasi, iyagoo u xusho Xubnaha la tuhmaayo Xilal sare oo Muhiim ah…

Ilo Wareedyo loo qaateen ah aya sheegaya in Nageeye Cali Khaliif iyo G/Sare Cabdisataar iyo xubno kale oo u goostay Kooxda Argagixisada midna uu Macallin ka ahaa Jaamacada Ummada iyo Madaxa Xafiiska Halbeega ee He’adda Isgaarsiinta mid kalena ka tirsanaa Hey’adda NISA, iyagoo la sheegay iney si fudud ku tagi jireen Xafiisyada Madaxtooyada ee Mr.Farmaajo iyo Xasan Sheekh qaarkoodna ka mid ahaa Guddiyadii Doorashada ee Farmaajo & Xasan Sheekh.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in Horjooge Nageeye uu galaangal ku yeeshay Siyaasiyiinta horbooda Soomaalida oo uu si joogta ah ula kulmi jiray, ku darsoo Akhristow Horjogahaan oo Arday Soomaaliyeed Macallin u soo noqday ma laga yabaa iney yihiin kuwo diyaar u ah iney fuliyaan amarada Kooxda Argagixisada.

Horjoogahaan oo ka soo jeeda Degaanada Waqooyiga Somalia ayaa buug u qoray ku sheegay in Dalkaan ay soo mareen Hogaamiyayaal 2-Maxamed (Siyad Maxamed iyo Maxamed Farmaajo iyo 2-Axmed (Axmed Godanr iyo Axmed Diiriye), Dalkaana dib u mideyntiisa ay shuruud u tahay in Shacbiga Konfurta ay marti ku noqdaan.

281710cookie-checkKu Dhex Milinka Kooxda Argagixisada ee Xafiisyada Dowladda & Saameynta Hogaanka Dalka..